Hordhac

Laga soo bilaabo bilowgii qarnigan, tiknoolojiyadda Soomaaliya si weyn bay isu beddeshay. Sannadkii 2000, internet-ka, kombiyuutarrada iyo adeegyada isgaadhiintu aad bay u yaraayeen, waxaana helayey oo keliya tiro yar oo shirkado iyo hay’ado ah. Maanta dalku wuxuu leeyahay shabakad isgaadhsiineed oo ballaadhan, lacag mobile ah oo bulshada oo dhan isticmaasho, internet mobile ah iyo khadad fiber-optic ah. Waxaa kale oo jira shirkado tiknoolojiyadeed iyo qorshayaal qaran oo ku saabsan 5G, amniga internet-ka (cybersecurity) iyo isbeddelka dijitaalka ah.

Waxa ugu xiisaha badan ayaa ah in Soomaaliya aysan marin jidkii dalal badan ay mareen. Dalalkaas marka hore waxay dhiseen bangiyo iyo kaabayaal dowladeed, kadibna tiknoolojiyad. Soomaaliya se waxay si toos ah ugu boodday telefoonka gacanta iyo lacagta danabaysan. Habkan waxaa loo yaqaan technology leapfrogging, oo macnaheedu yahay in dal uu ka boodo marxaladaha hore ee tiknoolojiyadda oo uu si toos ah u qaato tan cusub.

Sidee Xaalku ahaa ka Hor 2000

Dagaalkii sokeeye ee bilowday 1991 wuxuu burburiyay kaabayaashii dalka, oo ay ku jireen isgaadhsiinta iyo nidaamyada maamulka dowladeed. Muddo dheer ma jirin nidaam qaran oo casri ah oo isku xidha hay’adaha iyo shacabka. Hase yeeshee, meelaha gaarka loo leeyahay ayaa bilaabay inay buuxiyaan meeshii ay dowladdu ka maqnayd. Shirkado isgaadhsiineed ayaa dhisay shabakado mobile ah, iyagoo isticmaalaya tiknoolojiyad aan u baahnayn khadadka telefoonka ee dhulka hoostiisa mara. Tani waxay dhigtay aasaaska horumarkii dambe.

Marxaladaha Horumarka

2000–2005: Bar-bilow. Internet-ku wuxuu ahaa adeeg aad u kooban oo ay inta badan isticmaali jireen shirkadaha, NGO-yada, xafiisyada dowladda, jaamacadaha iyo ganacsatada. Qof caadi ah si fudud kuma heli karin. Telefoonka gacanta ayaa noqday qalabka ugu muhiimsan ee isgaadhsiinta bulshada, sababtoo ah dhismaha shabakad mobile ah ayaa ka fududaa dib-u-dhiska khadadka dhulka (landline) ee dalka oo dhan.

2006–2010: Kobaca isgaadhsiinta. Shirkadaha gaarka loo leeyahay waxay si xooggan u ballaadhiyeen adeegyada GSM, SIM card-yada, SMS-ka iyo internet-ka. Shirkadahan waxay noqdeen qaar ka mid ah kuwa ugu muhiimsan dhaqaalaha dalka. Telefoonku wuxuu fududeeyay xidhiidhka qoysaska, ganacsiga, lacag dirista iyo xidhiidhka qurba-joogta. Sidaas darteed wuxuu noqday qalab dhaqaale, ma ahayn oo keliya qalab lagu hadlo.

2009: Kacaankii lacagta mobile-ka. Tani waa mid ka mid ah dhacdooyinka ugu muhiimsan taariikhda tiknoolojiyadda Soomaaliya. Adeegyada ZAAD (Telesom) iyo EVC Plus (Hormuud) waxay dadka u oggolaadeen inay lacag ku kaydsadaan, ku diraan, kuna qaataan telefoonka. Dalal badan, nidaamka lacag-bixintu wuxuu maraa bangi → akoon → kaadh→ lacag-bixin. Soomaaliya se wuxuu noqday telefoon → lacag mobile → lacag-bixin. Halkan ayuu ka bilowday waxa maanta loo yaqaan FinTech.

2011–2015: 3G iyo smartphones-ka. 3G wuxuu fududeeyay isticmaalka internet-ka ee telefoonka. Dadku waxay bilaabeen inay isticmaalaan Facebook, WhatsApp iyo YouTube, iyo inay wararka online ka akhriyaan. Smartphone-ku wuxuu noqday kombiyuutar yar oo qof walba jeebkiisa ku jira, taasoo si weyn u kordhisay baahida internet-ka.

2015–2020: 4G iyo ganacsiga dijitaalka ah. 4G wuxuu keenay xawaare sare oo suurtageliyay waxbarashada online-ka ah, wicitaannada muuqaalka ah iyo adeegyada online-ka ah. Ganacsatadu waxay baraha bulshada u adeegsadeen xayeysiinta, helitaanka macaamiil iyo la xiriirka macaamiisha. Halkaas ayay suuq-geynta dijitaalka ahi ka noqotay qayb cusub oo ka mid ah ganacsiga Soomaaliya.

2020–2022: Dhaqaale dijitaal ah oo sii xoogeysanaya. Tiknoolojiyaddu waxay dhaaftay “telefoon iyo internet” oo keliya. Ganacsiyo badan waxay bilaabeen inay isticmaalaan websites, WhatsApp Business iyo dalabaadka online-ka. Dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa bartay luqadaha barnaamij-samaynta sida JavaScript, Python, PHP iyo React, waxaana kordhay software-da gudaha dalka lagu sameeyo.

2022–2026: Nidaamin iyo isbeddel dijitaal ah. Horumarkan wuxuu keenay baahi loo qabo sharci iyo hay’ado rasmi ah. Hay’adda Isgaadhsiinta Qaranka (NCA) waxay door weyn ku yeelatay nidaaminta qaybta ICT-ga. Qorshaheeda 2023–2027 wuxuu diiradda saarayaa suuq tartan leh, helitaanka adeegyo casri ah iyo sharciyo ku habboon. Sannadkii 2023 waxaa bilowday wadatashiga Istaraatiijiyadda Qaran ee 5G. Laga soo bilaabo sannadkii 2025, waxaa dalka ka hirgalayey suurtagalnimada adeegsiga adeegyada AI, kuwaas oo kal hore caqabado badan ka jireen dhanka lacag bixinta.

Tiirarka Horumaray

Lacagta mobile-ka waxay noqotay laf-dhabarta dhaqaalaha. Waxaa lagu bixiyaa dukaamada, gaadiidka, mushaharrada iyo adeegyada kale, waxaana lagu diraa lacagaha. Bangiga Adduunku wuxuu ku tilmaamay “waddo weyn” oo dhaqaale oo fududeysay wareejinta lacagta.

Fiber-optic wuxuu suurtageliyay internet xawaare sare leh oo la isku halayn karo. Taasi waxay albaabka u furaysaa xarumaha xogta, adeegyada kaydinta casriga ah (Cloud Computing, AI, waxbarashada online-ka iyo dowlad dijitaal ah.

5G waa jiilka xiga ee isgaadhsiinta. Waxaa la filayaa inuu qayb lexaad leh ka qaato casriyeynta magaalooyinka, Internet of Things (IoT), waxbarashada dijitaalka ah iyo adeegyada warshadaha. Istaraatiijiyadda 5G waxay sidoo kale xoogga saaraysaa in qof walba internet helo, amniga iyo dhiirrigelinta hal-abuurka.

Dowladda dijitaalka ah waa in adeegyada dowladda lagu bixiyo websites, apps iyo aqoonsi dijitaal ah. Tani waxay yareyn kartaa safafka, waraaqaha iyo kharashka maamulka, waxayna kordhin kartaa daah-furnaanta iyo waxtarka.

AI waxay mustaqbalka noqon kartaa qayb muhiim ah. Caafimaadka waxay ka caawin kartaa daaweynta bukaannada hab fogaan ah iyo baadhitaanka cudurrada. Beeraha waxay ka caawin kartaa saadaasha cimilada iyo maaraynta biyaha. Ganacsiga iyo dowladdana waxay u adeegi kartaa adeegga macaamiisha, falanqaynta xogta iyo ka hortagga hufnaan la'aanta.

Dhalinyarada iyo jaamacadaha ayaa ah awoodda ugu weyn ee horumarkan. Jaamacaduhu waxay kordhiyeen barnaamijyada Computer Science, Software Engineering iyo Cybersecurity. Dhalinyaraduna waxay wax ka baranayaan YouTube, koorsooyin online ah iyo coding bootcamps. Maanta developer-ka Soomaaliyeed wuxuu u shaqayn karaa shirkad ku taal meel ka baxsan dalka, isagoo jooga Soomaaliya. Tani waa fursad cusub oo loo yaqaan shaqada fogaanta (remote work).

Caqabadaha Weli Jira

Inkastoo horumar la taaban karo laga gaadhay dhanka Teknoolojiyadda haddana dhinaca xirfadaha, waxaa weli yar khubarada ku takhasusay AI, cloud computing, amniga internet-ka iyo cilmiga xogta. Khataraha internet-ka sida weerarrada iyo khiyaanada online-ka ah (Scam) ayaa sii kordhaya marka adeegyada dijitaalku bataan.

Marka la eego sida ay u shaqeeyaan nidaamyada maaliyadeed, weli waxay caqabad weyn ka jirtaa in la helo nidaamyo la jaanqaadi kara kuwa caalamiga ah, sida adeegyada lacag bixinta ee bangiyada. Ugu dambeyn, waxaa loo baahan yahay sharciyo cusub oo la jaanqaada AI, ilaalinta xogta, fintech, 5G iyo aqoonsiga dijitaalka ah.

Gunaanad

Sheekada tiknoolojiyadda Soomaaliya waxay ka bilaabatay isgaadhsiin. Kadib waxay u gudubtay lacagta mobile-ka, smartphone-yada, 4G, fiber-optic iyo adeegsiga softwares ka. Horumarka ugu weyn ma ahayn oo keliya isticmaalka tiknoolojiyadda. Wuxuu ahaa in la dhiso nidaam dhammaystiran oo ka kooban shirkado isgaadhsiin, adeegeegyada mobile-money, developers, startups iyo hay’ado nidaamiya qaybahaas.

Horumarkan waxaa inta badan horseeday sharikaadka gaarka loo leeyahay. Taasi waxay muujinaysaa in hal-abuurka gaarka ahi uu dhisi karo nidaam cusub xitaa marka kaabayaashii hore burburaan. 26-kii sano ee la soo dhaafay, Soomaaliya waxay ka gudubtay xaalad uu internet-ku ahaa adeeg kooban, ilaa xaalad uu telefoonka gacantu yahay bangi, suuq iyo goob waxbarasho. Jihadu hadda waxay u socotaa 5G, AI, IoT, cloud computing iyo adeegsiga joogtada ah ee nidaamyada casriga ah. Tallaabada xigta waa in tiknoolojiyadda loo adeegsado isbeddel qoto dheer oo ku yimaadda waxbarashada, caafimaadka, beeraha, ganacsiga iyo shaqo-abuurka.